Rasmi Tech Academy

Sale!

Axkaamta Jinniga

Original price was: $3.00.Current price is: $1.00.

Category:

Description

Erayga jinni wuxuu ka yimid oo kasoo askumay erayga ah jannana ama janna, oo uu Al Rraazii yiri inuu macnihiisu yahay: ” loomana jeedo, oo
waa kaa qarsoon yahay”. Sidoo kale ayuu erayga janno, oo ah midduu Ilaahay muslimiinta ka ballaan qaaday, halkaas ka yimid oo macnihiisu
yahay beer geedo badan oo geedeheedu madaxa is gashadeen oo waxa dhexdeeda ku jira qariyay oo aan loo jeedin. Cunugga caloosha hooyadiis
ku jirana sidaasaa loo yiraahdaa janiin, oo looma jeedo, siduu Ilaahay Tacaala Aayadda laba iyo soddonaad ee Suuratu Al Nnajmi: “wa ith
antum ajinnatun fii budhuuni ummahaatikum(32)”, oo macneheedu yahay: “adinkoona ku ah ajinnatun, kuwa ku qarsoon, caloosha
hooyooyinkiin dhexdooda(32).” Jinnigu wuxuu ka mid yahay makhluuqaatka Ilaahay Tacaalaa uu abuuray. Ilaahay Subxaanahu wa
Tacaalaa wuxuu Aayadda toddoba iyo labaatanaad ee Suuratu Al Xijri ku yiri: “Wa al jaanna khalaqnaahu min qablu min nnaari al
ssamuumi(27).” Aayadda macneheedu waxaa weeye: “jinnigana hore, waana Aadan hortiis, ayaan ka abuurnay dab kulayl badan. Al Ssamuumu
waxaa la yiraahdaa dabayl kulayl badan oo intay dadka daloollada jirka ka gasho disha. Waana dab aan qiiq lahayn. Halkaas ayayna kasoo degaan biriqdu, waana dab yaalla inta u dhexeysa Samada iyo Xijaabka, siduu Al
Baghawii u sharxay(27).” Ibnu Cabbaas wuxuu yiri: “Ibliis waa aabaha jinnigoo idil dhalay, siduu Aadan dadkoo idil u dhalay. Jinnigu wuxuu
leeyahay muslimiin iyo gaalo, kuwa gaalada ahna waxaa la yiraahdaa shaydaan. Jinnigu way nool yihiin, wayna dhintaan. Jinnigu cunnada ayuu
cunaa, wax buu cabaa, wuxuu leeyahay labood iyo dheddig, wayna is dhalaan sida dadka.

Reviews

There are no reviews yet.

Be the first to review “Axkaamta Jinniga”

Your email address will not be published. Required fields are marked *