Rasmi Tech Academy

Sale!

Isleeg isa seegan

Original price was: $5.00.Current price is: $2.00.

Magaca Qoraaga: Ismaaciil Ubaxle

Magaca Buuga: Isleeg Isa Seegan

Dulucda Buuga: Tiraab

Pages: 292

ISBN: F0910

Category:

Description

CALI-WADAAD

Horto aan iskiin baro, anna aad i barataan. Magacaygu waa Cali, Cali hooyaa ii bixisay, aaabana wuu ku raacay. Maanta waa duq
labaduba, anna daanka timaan ku leh yahay. Timo aad u dhaadheer. Sunihii rasuulkaan (nnkha) ku adkaystay waayadan.
Dadku magaca aan qabo, mid kalay ku kaabaan. Cali-wadaad ayaa la iigu yeedhaa. Salaadda waan ka adagahay, axaadiista waan aqaannaa, khamiiskana ma saaro. Dadku way i yaqaannaan, xaafadda aan ku noolahay. Marka aanan tujinayn ama aanan
jamaca hor taagnayn, carruurta ayaan quraan baraa. Galabtii, iskuul Quraanka lagu dhigo ayaan macallin ka ahay. Hablahaan
baraa Quraan. Aniga ayaa masuul ka ah. Saddex sanno ayaan hor joogay, aan u ahaa macallin.
Da’du soddonkay wax dhaaftay, doobnimana weli ma sii dayn. Asxaabtay dhammaantood, carruuray la dheelaan. Anna
gabadhii dhali lahayd, toosh baan ku raadshaa.

Weli waanan soo qaban. Ma aqaan hablaha iyo hadalkooda toona. In kastoon
macallin ahay, hablo badanna Quraanka baro, haddana aayadaha quraanka ah ma dhaafsiisna sheekadu. Dhammaantood
habluhuna waa wada gashaantimo. Balse damacu sidiisaba anigaba igu ma jiro. Arday weeye qaali ah, sidaasaan ku dhowraa.

Reviews

There are no reviews yet.

Be the first to review “Isleeg isa seegan”

Your email address will not be published. Required fields are marked *